Lamahuraannimada Xeer Ciise iyo Xeerarka Soomaalida
W/Q Cabdicasiis Dahir Eebahay Xukum bu iga abuura, Aabahyna Xeer bu iga tagay. Haddii Plato ku dooday buuggiisa magacaweyn, Republic, in aadanuhu yahay noole bulshaawi ah waxaynu sidaas si la mid ah innaguna ku doodi karnaa in aadanuhu yahay noole xeerku udub-dhexaad u yahay oo u abaabulan in uu samaysto oo ku dhaqmo xeerar kala…
